X

Maxkamada gobolka Banaadir oo baafinaysa rag basaasiina oo jeclaa in dalku weligii degin

Raggan maxkamada gobolka Banaadir baafinayso ayaa ka iibsan jirey xogta dalka xildhibaanada iyo ciidamada iska danyarta ah kadibna waxay ku dari jireen warbixinada ay u gudbin jireen qaramada midoobay qaybta cunaqabataynta hubka.


Raggan ayaa si fiican uga naaxay baabiinta qaranka, waxana qaarkood qabaan naag Somali, waxay u ololeeyaan kala go’a dalka. ”Waa war lagu farxo in dalku maanta marayo in ajaanibta la baafiyo si looga jaro dembiyada ay ka galeen dalka ayuu yiri Cali Calasow.


Raggan iyo kuwa la midka ah ayaa dalka hog ku ridey muddo labaatan sanno ah oo ay jaqayeen kuna naaxeen lacag beena oo ay ku cuni jireen waxa loogu yeero khuburo.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.