Maxkamada gobolka Banaadir ayaa war ka soo saartey kiiska C/raxmaan C/shakuur. Xafiiska xeer ilaaliyaha ayaa diidey go’aan uu iska gaaray xaakim loo dhiibey maxkamada gobolka oo xataa diidey racfaan.
Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaan Gobolka Banaadir ayaa soo saaray warqad qoraal ah oo uu u diray qareenada u dooday siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, kuna wargeliyay in 27 bisha Diisamber oo ku beegan maalinta berri (Salaasa) bilaaban doonto dhageysiga dacwada loo heysto.
Sidoo kale Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa lagu wargeliyay inay ka soo qeyb galaan dhageysiga dacwada, saacadu marka ay tahay 10-ka subaxnimo.
Hoos ka akhri sida warqadaasi u qorneyd
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS

More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay