Maydad horleh ayaa laga helay degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay sheegayaan in meydka laba qof oo raga laga helay Woqooyiga magaalada.
Waxa wararka qaar ay sheegayaan in dadkaasi ay korkooda ay ka muuqdeen xabado farabadan oo lagu furey. Ciidanka amniga ayaa dadkaasi u soo qaadey isbitaalada si loo baaro.
Dadka degaanka ayaa la sheegay inay arkeen meydadka kadibna ku soo wargeliyeen Ciidamada Amaanka. Gobolka Mudug ayaa waxa jira kooxo kala duwan oo isku haya lamana garan karo in dilkan argagixisadu shaqo ku leedahay.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay