12/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Maydka 165 qof oo ku shihiidey xasuuqii argagixisada oo la aasay

Maydka 165 qof oo ku shihiidey xasuuqii argagixisada ayaa la aasay. Maydka dadkan ayaa inta badan la garanayn maadaama qaraxii argagixisadu jarjaray.

300-da boqol ee qof ee argagixisadu xasuuqday waxa dawladu cadaysay maydkooda oo buuxa kaliya 111 qof halka inta kale aan la aqoonsan karin. Waxa dadka la raadinayo ku jira sagaal caruura oo hooyadood si qaracana ula hadashay saxaafada.



Waa xasuuqii ugu xumaa ee argagixisadu la haleesho dadkeena. Waxa ilaa saaka loo gurmanayay dhaawaca inta la helay ayadoo dawladu u taaglaadahay in ay soo faqdo daaraha dunsan oo laga heli karo dad nool.

Dadka la aasay waxa ku jirta gabadh uu aabaheed u yimi inuu ka qaybgalo qalinjabinteeda laakiin ay noqotey in uu ka qaybgalo aaskeeda.



Waxa iyadna Muqdisho ka soo degtay diyaarad laga leeyahay Jabuuti oo sida dhaqaatiir iyo daawooyin iyo wixii kale ee ay awoodi karaan. Waxa aadka loogu baahan yahay ayaa ah qalabka lagu faqo guryaha si looga saaro dadka ku jira.

Faransiiska ayaa dhismihiisa ugu dheer ee Ayfal ku xardhey khad casaana si loola qaybsado dhibka Somalida Muslimiinta ee argagixisada Wahaabiga xasuuqdey.

Maaha xasuuqii ugu horeeyay ee argagixisadu u gaysato dadkeena wuxuuse kani kaga duwan yahay KALIYA cadadka ay xasuuqeen iyo inta ay naafo kaga tageen, ayadoo xisaab lahayn hantida ku burburtey.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS