Meydad hor leh ayaa laga soo saaray dhismo ku dhow goobihii maalin ka hor ay argagixisada shabaab la baxdey ku xasuuqdey dadkeena. Dhiigmiiratada ayaa banaysatey dhiigeena iyo maalkeena.
Dad goob joogayaal ah ayaa inoo sheegay in meydadka laga soo saaray dhismo ku dhow Hotelka Peace oo Qaraxyada ay saameyn ku yeesheen.
Meydadka la soo saaray ayaa hadda kordhey ahna haweenay iyo wiil dhalinyaro ah oo qaraxu ugu tagey gurigooda. Waxa wali socda faqida xasuuqii argagixisadu gaysatey.
Kooxaha gurmadka ayaa wali goobaha ka agdhow halka ay qaraxyada ka dhaceen ka wada baaritaan xoogan oo lagu doonayo jiritaanka dad wali dhismayaashu u dunsan yihiin.
Argagixisada ayaa marka ay sidan oo kale u xasuuqaan dadkeena yiraaha ALLAAHU AKBAR.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS

Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay