Maydka ninkii diley safiirka Ruushka u fadhiyay Turkiga oo la waayay cid soo doonata kadib markii laga dhamaystey baadhitaankii jidhkiisa ku socday.
Suaalaha aadka laysku waydiiyay ayaa ah sida ninkani ku soo galay hoolka safiirku joogey iyo cida soo dirsatey iyo waliba cida u ogolaatey in uu joogsato safiirka xagiisa dambe.
Baadhitaanka ayaa waxa soo baxdey in ninkani uu ka tirsan yahay hogaamiye ay is hayaan madaxweyne Erdogan oo isaguna hogaamiye urur diimeed kale oo ka duwan Erdiogan ee akhwaan Muslimiin.
Waxa iyana goobta baadhitaanka ku soo biirey sirdoonka Ruushka oo fiirinaya in Turkigu ama Erdogan wax shaqo ah ku leeyahay dilka safiirka maadaama urur diimeedkiisu ku jabay XALAB.
Ninkan dilka gaystey ayaa ka mid noqon lahaa askarta ilaalada madaxweynaha Turkiga, arintaas oo baqdin xoogleh abuuri lahayd haddii sidan oo kale dhici lahayd.
Turkiga ayaa aad uga cadhoodey dilka loo gaystey safiirka Ruushka iyaga martida u ahaa iyagoo sheegay in loogu talogalay in Turkiga la go’doomiyo siyaasad ahaan.
Baadhitaanka dilka safiirka ayaa wali socda iyadoo ilaa hadda la qabtey dhamaan dadkii uu xiriirka la lahaa sanadihii 2012 ilaa 2014.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
![C0DepjTXEAA-w6Y[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/12/C0DepjTXEAA-w6Y1-300x172.jpg)
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay