X

Maydka qof shacaba oo laga helay Gaalkacayo

Maydka qof shacaba ayaa laga helay Gaalkacayo gaar ahaan suuqa magaalada. Maydka ayaa u muuqday in layska ilaaway oo uu yaalay goobta muddo saacada

Ninkan maydka ah ayaa lagu arkay halkii dhawaan ay ku dagaalameen maleeshiyaad ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug oo aheyd bartamaha Suuqa ganacsiga Magaalada Gaalkacyo.



Lama oga rasmi ahaan cida dishay ninkaan oo ka mid ahaa dadka ka xoogsada Suuqa Magaalada Gaalkacyo, balse ganacsatada ayaa sheegay inay arkeen maydka ruuxan oo jirkiisa rasaas ay ka muuqato.



Suxufiyiinta ayaa soo sheegaya dilka ninkaan inay daba socoto dagaalkii Magaalada Gaalkacyo ku dhexmaray maleeshiyaad ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug, balse si gaar ah looma oga cida dilkaan fulisay.

Maydka ayaa ugu dambeyn laga qaaday halkaasi si loo aaso. Gaalkacayo ayaa caan ku ah dilalka qorsheysan ee ku aadan aanooyinka qabiil iyo kuwa ay gaystaan argagixisada.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.