X

Meydka haweenay oo lagu arkey xaafad ka tirsan Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegaya in meydka haweenay saaka lagu waaberiistey xaafada Suuqa Xirka dheere.


Dadka degaanka ayaa sheegay in haweenaydan korkeeda ay ka muuqdeen rasaas oo ay u muuqato in ay gaysteen kooxaha argagixisada inkastoo dilku dhacay xalay islamarkaana lasoo dhigay meel Xaaafad ah oo ay degan yihiin dad Shacab ah.

Dilalkan noocana ayaa lagu yaqaan argagixisada kooxda gaalaynta oo u sameeya inay cabsi geliyaan dadka si ayna u sheegin xiliga ay yimaadaan laamaha amniga ee ku dabajira.


Ciidanka booliiska oo goobta gaaray ayaa meydka maro ku duubey kadibna goobta ka qaaday ayagoo hayn doona inta la xaqiijinayo qofka ay tahay lana wergeliyo eheladooda.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.