X

Meydka hooyo laga helay duleedka Laascaanood

Dhacdo aad looga argagaxay ayaa ka dhacday duleedka Laascaanood halkaas nin ku diley xaaskiisii hore kadib markii uu isticmaalay si khiyaama ah. Gabadha dilka uu u gaystey ayaa la yiraa Salma Cl/llaahi Yuusuf.


Gacanku dhiiglaha oo lagu magacabo Xasan ayaa lagu soo waramayaa inuu soo wacay xaaskiisa kadibna la balamay, waxana la sheegay markii ay u timi inuu gaadhi uu soo kireystay ku geyay buurta Sayidka ee Laascaanood.

Gacanku dhiiglaha ayaa dilka kadib la soo xiriiray ehelkiisa una sheegay inuu diley Salma markaas kadibna dansaday telfoonkiisa.


Markii uu telfoonka danbsaday ayaa la wacay shirkada telefoonada ee iska leh khadka, waxayna shirkadu satalayt ku sheegtay in markii ugu dambeysay uu joogey buurta sayidka. Halkiibaa la cararay oo kadibna la helay meydka hooyo Salma oo saaran xagga hore e gaadhiga.

Salma ayaa gacanku dhiiglaha oo lagu magacaabo Xasan u dhashay gabadh. Waxa lagu dab jiraa sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.