X

Wasiirka ciyaaraha oo ka hadlay fal ilbaxnimada iyo anshaxa ka fog oo ciyaaryahano

Wasiirka ciyaaraha dawlada dhexe ee Somaliya Xamsa Siciid Xamsa ayaa ka hadlay fal ilbaxnimada tartanka iyo anshaxa ka fog oo algula kacay ciyaaryahano ka socda gobolka Koofur Galbeed. Ilaa 4 dhalinyaro ayaa lagu dhaawacay falkan diinta ka fog.


Waxa falkan gaystey dhalinyaro bilaa akhlaaqa oo ka socota gobolka Banaadir kadib markii ay dhamaatey ciyaartii u dhaxaysay labada gobol ee Banaadir iyo Koofur Galbeed halkaas oo guushu ku raacday gobolka Banaadir,

Dhalinyaradan reer Koofur Galbeed oo ku safrayay bas ayaa lagu weeraray dhagxaan. Dhaawacyo kale duwan ayaa ka soo gaaray falkaas anshax xumada ah.


Waxaan Alle uga baryayaa inuu caafimaad deg deg ah siiyo cayaartooyda xulka Koonfur Galbeed ee ay waxyeelada soo gaartay ayuu yiri wasiir Xamsa.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

 

 

admin:

This website uses cookies.