X

Meydka laba caruura oo laga helay duleedka Muqdisho: dhacdo argagax leh

Waxa dhowr maalmood kadib markii dhacdo aad looga naxo ay ka dhacday magaalada Muqdisho markaas oo nin ku sheeg diley xaaskiisa kuna diley 25 doolar oo keliya. Waxase maanta oo Salaasa ah markale dhacday dhacdo kale oo aad u naxdin badan.


”Waxa markale la diley biri mageydo aan dhaqan u ahayn ummada Somaliyeed in la taabto markana waa laba caruura oo midna jiro 7 midna jiro 5 oo runtii aan warba u hayn waxa lagu dili karo ayuu yiri Cali Calasow.

”Labada caruura saaka ayaa loo direy adeeg waxayse qaateen muddo dheer cabaar kadibna waxa meydkooda laga helay meel aan ka fogeyn gurigeeda ayay tiri goobjooge la hadashay warbaahinta.


”Waxa lagu tuhunsan yahay inuu adeerkood oo qabay hooyadood uu qudha ka jaray. Mid waxa ciijiyay xadhig halka kan kalana ay ilkuhu daadsanaayeen ayay raaciyay googjooguhu.



Dhacdooyinkan foosha xun ayaan haba yaraatee ahayn wax dhaqan inoo ah haddase ku soo badanaya Koofurta dalka. Goobta dilkani ka dhacay ayaa ka mida xaafado burburka kadib layska degay inta badana ay degan yihiin dad danyara.

Meydka labada caruura iyo ninka lagu tuhmay ayaa loo kala qaaday xabaalaha iyo saldhiga booliiska.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.