X

Hargeysa oo noqotey hoyga lagu sameeyo lacagaha bugta

Booliiska magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen sadex nin o ka soo jeeda dalkaasi musuqa badan ee Nayjeeriya oo Hargeysa u joogay inay ka taajiraan. ”Waxa jira Kiiniyaati sidan oo kale iyaguna ugu nool Hargeysa ayuu yiri Xuseen Warsame.


Booliiska ayaa horaantii sanadkan soo bandhigey rag iyaguna ka soo jeeda Nayjeeriya iyo Afrikada kale oo lacago been abuura ku samaynayay Hargeysa.

”Waxaan odhan karnaa Hargeysa waa hooyada lacagta bugta ah waxa aakhirkii sagaashanaadkii Hargeysa iyo gobolada ugu dhow lacagtii xalaasha ahayd looga bedeshay dadka lacag bug oo Hindida lagu soo sameeyay kharashkana ay bixiyeen Ingiriisku oo hadda lagu magaacaabo shiluinka Somalilaan ayuu yiri Xuseen Warsame.


Intaas wixii ka dambeeyay waxay Hargeysa noqotey hoyga lacagaha bugta ah ayuu raaciyay Xuseen Warsame. Qalabka lagu sameeyo laacagta bugta iyo warqadeedaba waxay yaalaan suuqyada aduunka markaa waxa jaanibtan wax la wada waa Somalida.



Raggan oo sadexa ayaa lagu wadaa in jeelka loo taxaabo ama ay iibsadaan xadhiga.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.