X

Mid ka mida argagixisadii xasuuqa ka gaysatay jaamacada Gaarisa oo noqdey mid waalidkii raadinayay

Nayroobi–Madaxda Kiiniya ayaa cadeeyay mid ka mida argagixisadii xasuuqa ka gaysatay jaamacada Gaarisa wuxuuna noqdey mid waalid caasi ah ahaa oo aabihii iyo walidkii ka baxsaday oo aabihii booliiska Kiiniya u sheegay raadcana lagu jiray. Ninkan waalid caasiga ahaa ayaa lagu magacaabi jiray Cabdiraxiim Maxamed Cabdullaahi.

Cabdiraxiim ayaa la sheegey in uu ahaa ardey baranayey Sharciyadda Jaamacad ku taala magaalada Nayroobi markii war & wacaal ugu danbeysey.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Kiinya ma sheegin masuuliyadda uu hayey aabaha dhalay ninka la aqoonsadey, waxaase warar madaxbanaan sheegayaan in uu ka shaqeyn jirey gobolka Mandheera, waxaana lagu magacaabaa Maxamed Cabdullaahi

Inkasta oo Kiinya aysan ka hadlin saddexda nin oo kale waxaa ka mid ah kuwa weerarka soo qaadey nin denbiyo horey u galay oo ka soo jeeda deegaanka Malindi, sida ay sheegayso warbaahinta gudaha Kiinya.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.