X

Mid ka mida xaasaska Xasan sheekh oo u sharaxan xildhibaan

Warar laga helayo madaxtooyada ayaa sheegaya in marwo Sahro Cumar oo ka mida xaasaska Xasan Sheekh ay u sharaxan tahay in ay ka mid noqoto barlamaanka. Beesha ay ka soo jeedo Sahro Cumar ayaa hal kursi ku leh barlamaanka.

Sahra Cumar oo aad u firfircoon ayaan iyadu war ka soo saarin waxase dadka badankiisu qabaan in warkani aanu run ahayn. Sahra Cumar ayaa ku mashquulsan ilaalinta caruur dayacan oo ay ku hayso xero ku taal Muqdisho.

Lacagta xildhibaanimada ayaa gaartey halkii ugu saraysay lacagtaas oo maraysa ilaa 25,000 kun oo doolar.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.