22/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Midowga Yurub oo Somaliya ku soo farageliyay dilalka ay ku fuliso argagixisada shabaab

Midowga Yurub ayaa Somaliya ku soo farageliyay arimaha diinteena ah sida dilka lagu fuliyo argagixisada xalaashaday dhiigeena ee shabaab iyo kuwa kale ee galay dambiyo ka dhana bani aadamka. Midowga Yurub ayaa sheegtay in aysan marnaba raalli ka aheyn xukunada dilka ee ay fuliso dowladda Federaalka, taasoo lagu tilmaamay inay ka dhigan tahay xagudub xuquuqdaha aadanaha.

Warbixin ay soo saartay Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada ay fuliyeen dilalka ciqaabta ah, waxaana wal wal laga muujiyay in kiisaskaas qaar ku jiraan kuwa rayid ah.

Midowga Yurub ayaa sheegay in sanadkan 2015 ay dowladda Soomaaliya fulisay 29 dil ciqaabeed ah, waxaana inta badan dilalkaas fuliyay Maxkamadda ciidamada milateriga.

“Waxaan si xoog leh ku boorinaynaa mas’uuliyiinta Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan isticmaalka Maxkamadaha Ciidamadu inay kiisaska dadka rayidka xukumaan iyo in ay hubiyaan in nidaamka xuquuq dhowrka leh si buuxda loogu hoggaansamo iyadoo nidaamka saxda ah ee rafcaanka ahna la meel mariyo”ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay Midowga Yurub.

“Midowga Yurub waxay ugu baaqaysaa dhamaan Maamuladda ka Dhisan Soomaaliya in ay si deg deg ah u joojiyan xukunka dilka ah oo ay hirgeliyaan sherciga ku haboon arintas kaasoo ujeedadiisu tahay in la baabiiyo xukunka dilka ah”ayaa warbixinta Midowga Yurub lagu sheegay

“Waan la soconaa in Soomaaliya ay ka go’an tahay sida ku cad heshiiskii ugu dambeeyay (2011-kii) ama Universal Period Review (2011-kii) oo lagu heshiiyay sida ay u hakin lahayd adeegsiga ciqaabta dilka iyo sidoo kale inay ka codaysay kal-fadhiga 69-aad ee golaha Qaramada Midoobay (2014-ka).

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM