Maxkamad deg degsan oo diidey doodaha kiiska lagu soo oogay madaxweynihii hore ee Bakistaan Musharaf ayaa Ku ridey xukun dila. Sadex xaakin oo goobta fadhiyay ayaa laba Ka mida isku raaceen in dil lagu xukumo, halka xaakin kale diidey.
Qareenka madaxweyne Musharaf ayaa sheegay in ay racfaan qaateen, wuxuuna aad ula yaabay deg dega iyo sharciyada lagu tumanayo.
Madaxweyne Musharaf ayaa hadda jooga dalkaasi Imaaraadka Carabta halkaas oo isbitaal Ku yaal xaaladiisa caafimaad lala tacaaalayo. Wuxuu xukunka dalkaasi hayay muddo 10 sanno ah sanaddii 1999 ilaa 2008
Dhinaca kale milatariga xooga weyn ee dalkaasi musuqa badan ayaa aad uga cadhoodey jujuubka la marsiinayo halgamaa iyaga Ka mida, waxayna dalbadeen in sharciga dalka la xaqdhowro oo aan lagu sheegin nin dalkiisa u soo halgamay nin khiyaanoole ah.
Milatariga ayaa awood u leh inay xukunka Ka tuuraan dawlada jirta. Ma jirto nidaam dhisan oo dalkaasi fiqiirka leeyahay oon Ka ahayn milatariga.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS