X

Milatariga Itoobiya oo hilfaha u qaaday Tigree Suudaan lagu soo tababaray

Milatariga Itoobiya ayaa sheegay inay hilfaha u qaadeen qaxootigii Tigreega ee u qaxay Suudaan oo dib loo soo tababaray oo isku dayay inay xadka ka soo gudbaan. Milatariga ayaa sheegay inay guuto hubeysan ku liqeen aaga xadka ee tuulada Alxal.


”Waxa hore loo ogaa in Suudaan ay soo tababarayso qaxootiga Tigreega ee u qaxay dalkeeda dibna uga soo talaabin doonto xadka ayuu yiri Xuseen Warsame.

Tigreega ayaa hore u codsaday in loo furo xadka Suudaan si waxa ay ku tilmaameen gargaarka uu halkaas u soo maro, waxase markiiba diidey dawlada Itoobiya. Dawladaha reer galbeedk ayaa ilaa hadda isku dayaya inay gargaarka u isticmaalaan inay lacag iyo hub u dhex qariyaan.


”Waxa ku jirey jabhada lagu diley xadka ilaa 130 si gaara loogu soo tababaray biyo xidheenka ayuu yiri afhayeen u hadlay ciidanka.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.