X

Sheekada marxuumad Ikraan Tahliil waa kan weyn igu sii daa kan yarna iga qari

Allaha u naxariisto Ikraan Tahliil oo hay’ada sirdoonka ee ay u shaqayn jirtey ee afka qalaad loogu soo gaabiyo NISA ay sheegtay inay dishey dhiigmiratada shabaab. Waxase markiib diidey ehelada ay u dhalatey siiba hooyadeed iyo kuwo awrkacsi qabiil horeyba ugu jirey.


”Waxa cajiiba in hooyadeed noo sheegtay inay dhiigmiiratada shabaab ay ka buuxaan cideeda ayna u sheegeen inay meelkasta ka baareen min Galguduud ilaa Jubooyinka ayna ka waayeen ayuu yiri Cali Calasow.

Marka waxa noo cad inay wada shaqeeyaan dhiigmiiratada iyo hooyada dhashay iyo kuwa ku ag wareegsan ee marxuumada raba inay si qabiila ugu awrkacsadaan ayuu raaciyay Cali Calasow.


Cabsi awgeed waxay raali ku yihiin inay ka warwareegaan dhiigmiiratada shabaab oo cideedu ka buuxdo siday noo sheegtay balse ay u awrkacsadaan meel aan waxba oolin ayagoo isleh sidaa kursiga mustaqbalka ku hela.

”Waxa maalmahan maqalaa Ikraan Tahliil reer ayay ka dhalatey weliba balaadhan sida ay sheegayaan, ma waxa reerkaa balaadhan ku filnaan waayeen inay dhiigmiiratada uga aargutaan, sow marka sheekadu maaha Allow kan weyn ugu sii daa kan yarna iga qari ayuu qabaa Xuseen Warsame.


Ilaa hadda qolyahan sheeganaya inay badan yihiin ee ku dhici la dhiigmiiratada shabaab laakiin ka jecel inay awrkacsi qabiil ugu hanjabaan madaxa sirdoonka, ma keenin wax cadayna oo muujinaya in isla hay’adii ay u shaqaynaysay ay dishey.


”Waxay leeyihiin dhiigmiiratada ayaa run sheegtay sow wax laga cowdu bileysto maaha marna waxay na leeyihiin waa isla anagii oo waa ognahay n dhiigmiirato run sheegayso ayuu raaciyay Xuseen Warsame.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.