November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Milatariga Itoobiya oo qabsaday 3 magaalo kuna siqaya Maqale

Milatariga Itoobiya ayaa gudaha u galay gobolka Tigreega ee uu dabada ku wato Maraykanku qabsadayna sadex magaalo oo waaeyn oo madaarleh.  Magaalooyinka Shire. Alamata iyo Koram ayaa gacanta u galay ciidanka. Milatariga ayaa wacad ku maray inay qabsanayaan magaalooyinka muhiimka ah ee gobolka ee leh madaarka



Waxa la aaminsan yahay in magaalooyinka madaaradu ku yaalaan ee Tigreega oo aad u farabadan maadaama ay dalka xukumaayeen muddo dheer in Maraykanku uga soo dejiyo saanado iyo lacag.




Waxaan ku soconaa magaalada taariikhiga ee Agsam ee asxaabuhu ku aasan yihiin iyo kuwa u dhow halkaas oo aan toos u qabsan doono wadada laamiga ah ee aada Maqale ayuu yiri afhayeen u hadlay milatariga Itoobiya.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS