X

Milatariga oo soo bandhigey maxaabiis Tigree haween da’yar ka buuxaan

Milatariga Itoobiya ayaa soo bandhigey maxaabiis farabadan oo Tigreeya ayna ka buuxaan haween dhalinyara oo dhaawaca oo dhamaantood lagu qabtey dagaal. Tigreegan aya laga saaray buuro ay kaga jireen aaga Canfarta.

Tigreega oo muddo ku dhow bil xoogiisa isugu geeyay inay qabsadaan Mille oo ku taala gobolka Canfarta ayaa ku cararay buuraha halkaas oo looga daba tagay kadibna hilfaha loogu qaaday.

Boqolaal maxaabiisa oo ay haween ka buuxaan ayaa qaarkood lagu daaweeyay xero ciidanku leeyahay. ”Waa nasiib daro kuwa noo sheegaya in ciidan noocan ah qabsanayo Addis ababa iyo dalkoo dhan ayy yiri Xirsi Warfaa.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.