Siciida Cige waa gabadh Somaliyeed oo 26 jir ah kuna nool caasimada Muqdisho waxana qabsatay dhacdo aad u foolxun oo laga xanaaqo. Siciida ayaa sheegtay in faraxumeyn ay u geysteen Ciidamo ka tirsanaa Militeriga dawlada Somaliya. Waxay burburiyeen Ciidamo ka tirsanaa militeriga hoygeyga iyaga oo hal ku dhig ka dhiganaayay in guryaha ay ka saarayaan wadooyinka.
Waxa ay sheegtay inay ka dhaga adeegtay inay ka baxdo gurigeeda, waxa ayna Ciidamadu ka dalbatay in loo geeyo Wasiirka Gaashandhiga oo ay ka amarqaatan.
Muran dheer kadib Ciidamada ayaa Saciido kuwaday inay u geynayaan Wasiirka Gaashandhiga Diini, balse nasiib darro waxa ay la aaden dhanka warshada Caanaha, waxa ayna halkaasi ku silciyeen Saciido oo 26-sano jir ah.
Saciido oo mooday inay la kulmi doonto Wasiirka Gaashandhiga ayaa waxaa abaal looga dhigay kufsi iyo faraxumeyn waxa ayna nasiib u yeelatay in qeybo kamid ah Jirkeeda leysku furo.
Dhanka kale, dhacdadaani ayaa imaaneysa iyadoo Ciidamada Militeriga ay noqdeen kuwa ugu badan ee Haweenka Soomaaliyeed u geysta faraxumeyn, waxaana xusid mudan in haween badan ay naftooda kuwaayen.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS.COM
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay