X

Mishkilada ay keento marka meel muhiima la keeno qof aan siyaasad ahaan bisleyn

Ilaa markii dawladii dhexe ee dalku xukunka dalka ka tagtey, ayadoo awood u leh inay hilfaha u qaado ururadii qabilaga ahaa ee ay wateen reer galbeedka lagana soo hubeynayay Itoobiya iyo Kiiniya, waxa dalku u gacan galayn qowleysato caqligu ku yaryahay.


Waxay soo socotaba waxa la gaarsiiyay heer loo qoro dastuur diintooda xad gudub ku ah, waxana markasta la keenayay qof aan siyaasasd ahaan bisleyn oo maamulkiisu dhaafin inta ku wareegsan.

Somaliya waa dal qaniya waxana ka qasaaray ugu yaraan 30 sanno oo ay aduunka booskeeda ka ciyaari lahayd, waxana ugu wacan meelaha muhiimka ah oo ay yimaadaan dad aan u qalmin.


Tusaalaha hadda ina horyaal ayaa ah wasiirka koowaad Maxamed Xuseen Rooble oo maqaaxi ku lahaa Iswidhan ayaa waxa dalka keenay madaxa sirdoonka Fahad Yaasiin, waxana ka aqbalay madaxweynaha.

”Markii Maxamed Xuseen la horgeeyay madaxweynaha waxa uu dhaar ku maray inaanu dhabarka ka toogan ayuu yiri masuul ka ag dhawaa xilliga ay kulmeen.


Waxase hadda qaaday aafada qabiilka ilaa uu maalmihii u dambeeyay uu gacanta la soo galay qodobada amniga oo uu madaxweynaha xaq u leeyahay ahna waxa loo doortey.


”Wuxuu ka xalin lahaa arimaha soo kordha si wadatashi ah waxase uu ka doorbiday inuu qaato talada beeshiisa, waxana inoo muuqanay in dalku markasta u gacan galo dad aan masuuliyad qaadi karion siyaasad haana bisleyn ayuu yiri Cali Calasow.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.