X

Hay’ado Maraykankana oo beeralayda dalka siiyay midho la bedelay unugyadooda

Beeralay farabadan oo Somali ah ayaa ka cabanaya iniin ay qaybiyeen hay’ado Maraykana oo wax soo saarkoodii eber ka dhigay. Iniintaan ayaa ah nooca ay bedeleen abuurkii RABI ayagoo iska dhigaya inay RABI uga aqoon badan yihiin.


Hay’adaha Maraykanka ayaa lagu eedeeyay inay wadamo badan oo Afrikaana iyo Aasiya ku yaalba ay u qaybiyeen abuurkan la bedelay dabiicigii RABI u abuuray ee nafaqada lahaa.

Maxamed Macow waa nin beer ku qota gobolka Bay wuxuuna ka hadlay midhihii uu beeran jirey ee hore oo dalku lahaa oo ay uga so gu’i jireen wax soo saar fiican iyo kuwa hadda la siiyay oo cudur mooyee faaiido kale aan u keenin.


”Qasaare ayaan ku suganahay ayuu yiri Maxamed Macow hadda xataa qoyska ma quudin karo waxana iigu wacan midhaheygii looga doorsaday kuwo cudur qaba.

Ayadoo ayna jirin dawlad ilaalisa tayada abuurka soo galaya dalka, waxa aad uga faaiideystay hay’ado bug dalka ku soo gala oo ujeedadu tahay inay la dagaalamaan wax soo saarka dalka si ay u iibiyaan wax soo saarka ka soo gala dalka kadib u yiraahaan bakl fiiriya gaajada haysa.


Wasaarada beeraha oo aan haba yaraatee lahayn tayo sidaasa ayaan iyadu waxba ka qaban karon xilligan dib u habaynta midhaha dalka ee la beerto.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.