X

Miyuu jiraa maamul jufeed ay aqoonsan tahay dawlada dhexe

Sidaan la socono waxa maamul jufeedyada ugu badan ee aan loo baahneyn sameeyay fadhiid Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo aan ku qasbanayn xilli aan laga heshiin sheekada Federaal ee lagu socodsiiyay fadhiid Shariif sh Axmed.


Xasan sheekh Maxamuud ayaa markii ay Kiiniya u diidey inuu faraha la soo galo dhismaha maamulka Kismaayo bilaabay samaynta maamul jufeedyada kale si uu ula xifaaltamo waxa Kiiiniya ka wado dalka.

Waxaadse is weydiin kartaa ma jirtaa ma jirtaa hal maamul jufeed oo dawlada dhexe aqoonsan tahay ka soo bilow Woqooyiga ama la baxay Somalilaan iyo horjooge Siciid Deni.


Jawaabta kooban waa maya taas oo macnaheedu yahay xilligii la rabo in la tirtiri karo loona arko inay ka shaqayn waayeen danta shacabka. Sida hadda maamul jufeedyadu u shaqeeyaan kama turjunto danta shacabka iyo wadajirka ummada.

Waxa caadiya in hantida gobolada loo sineyn laguna faraxsanayn sida awooda loo qaybsaday, ayadoo ay jirto jufooyin la xaqirey. Waxana jirta in xoolihii ummada ay noqdeen wax fadhiga lagu cuno.


Waxana hadda kuu cad in dalku u baahneyn maadaama ay noqdeen goobo uu cadowgu ka soo galo kana fushada danaha dalka.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.