X

Mucaaradka Jabuuti ee loo sheegtay dalka yar oo ka hadlay istuskii Ismaaciil

Kadib istuskii madaxweynaha Jabuuti uu lacag badan ku qasaariyay doorashada macmala ayaa waxa ka hadlay mucaaradka Jabuuti ee dibedda magangelyada u jooga, waxayna ku tilmaameen nasiib daro reer Jabuuti haysata.


Fadhiid Ismaaciil Cumar Geelle ayaa guri weyn ku naaxsan halka dadka masaakiinta uu lacag ka qaado sariiraha dhakhtarka halka markuu xanuun qabto uu raadsado isbitaalada ugu sareeya.

Wuxuu ku fashilmay inuu masaakiinta cooshadaha ku jira uu ka nadiifiyo, ayagoo la nool kaneeco, koronto la’aan iyo xanuuno kale.


”Ma jirin qof mucaaradkayaga ah oo ka qayb galay doorashada ayuu yiri afhayeenka mucaaradka waayo cagahaba ma soo gelin karno wadanka waxayna muujinaysaa in aan wax kalsooni lagu qabin nidaamka jira maadaama uu isticmaalayo kharashkii iyo awoodii dawlada.


Si kastaba ha ahaatee waxa jirey nacamlayeaal badan oo shilimaad loo tuurey oo uu u adeegsaday shilinkii masaakiinta iyo weliba shilinka ka soo gala saldhigyada ajaanibta.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.