November 20, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Muddo bila ayay nagu qaadatey inaan uga soo baxno Tigree: Cabi Axmed

Falaagada la jebiyay ee Tigree ee Marayanku wato ayaa sheegay inay aqbaleen xabad joojinta dawladu ku dhawaaqday ee loogu talogalay in dadku ku beertaan dalagooda maadaama xilli roobaad la galay.



Maraykanka oo falaagadan maalgeliya ayaa dalbaday in Itoobiya ka baxdo gobolka isagoo ugu hanjabay inuu weerari doono biyo xidheenka ama soo dagaal gelin doono Suudaan iyo Masar.

Maamulka cusub ee Maraykanka ayaa qaska ugu weyn ka wada geeska Afrika ujeedada ugu weyna ay tahay in xukunka Itoobiya lagu celiyo Tigreega ama Axmaarada.



Axmaarada ayaa iyagu dib u qabsaday dhul baaxadleh oo Tigreegii Milas Sinaawi ka goostey mudadii dheerayd ee uu dalka haystay. Ciidanka ugu badan ee sida fiican loo tababaray ayaa ahaa kuwa Tigreega loomana ogolayn inay ka dagaalamaan dhulalka kale.

Cabi Axmed ayaa isagu sheegay inayna la xaajoon doonin falaagada jabtey laakiin uu wado qorshe lagu dhisayo gobolka. ”Marnaba la hadli mayno falaagada TPLF ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaarada arimaha gudaha.



Cabi Axmed oo ka hadlay in dalkiisa askar la’aani hayso ayaa sheegay inay hal maalin soo ururin karaan maleeshiyo gaaraysa hal milyan, inta aan tababar siinayno askar tayo leh. ”Maqale waxay ahayd wejigii ugu dambeeyay ciidankii burburiyay falaagada loga soo saaray. Waxa ka soo bixida Tigree qalad u fahmay taageereyaashoda sida Maraykanka iyo Ingiriiska.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS