X

Mukhtaar Roobow oo booqdey dhaawaca ka haray xasuuq argagixisadii uu ka tirsanaa gaysatey: SAWIRO

Mukhtaar Roobow ayaa booqdey dhaawaca ka haray xasuuq argagixisadii uu ka tirsanaa ka gaysatey Baydhabo. Mukhtaar Roobow ayaa welli saaran tahay cunaqabatayn inkastoo kuwii ay isku falka ahaayeen sida Axmed Madoobe ay u muuqato in la cafiyay.


Qaraxyada kooxda gaalaynta Muslimiintu gaysatay ayaa laba ahaa halka midka koowaad ka dhacay afaafka hore ee Hotelka Bilan ee magaalada Baydhabo, kadib markii ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu halkaasi isku qarxiyay.

Illaa Todobo ruux oo shacab ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen qaraxaasi, dhaawacana uu intaasi ka badan yahay.


Sidoo kale qaraxa labaad oo ka dhacay maqaayada Beder ee magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku dhintay illaa Saddex ruux, waxaana tirada guud ee dhimashada qaraxyada ay gaarayaan illaa 10 ruux.

Waxa caawa magaalada ka jira foojignaan dheeraada inkastoo argagixisadu shaqaysato xilliyada a soo jeedo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.