X

Taliyihii sirdoonka Somaliya oo xilkii iska casiley iyo sababta

Taliyihii sirdoonka Somaliya ee dhawaanta uu magacaabay madaxweyne Farmaajo ayaa xilkii iska casiley. Waxa baryahan soo baxaayay in hay’adu ka gaabisay la dagaalanka argagixisada oo awal ku fiicneyd.


Taliye Xuseen Cismaan Xuseen oo war kooban oo ku saabsan is casilaadiisa la soo dhigey barta twiter-ka ee hay’adda ayaa lagu sheegay in arimo isaga u gaara uu isku casiley.

Xuseen Cismaan ayaa Baydhabo joogey usbuucii hore halkaas oo loo direy in Mukhtaar Roobow laga dhaadhiciyo in muharaxnimadiisa ayna sax ahayn, halka wararku sheegayaan in isaga laftiisu isku sharaxayo.


Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu soo magacaabo bedelkiisa.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.