X

Murankii mudo kordhinta maamulka Siilaanyo oo xal laga gaaray: ARAG afar muuqaal

Hargeysa–Waxa goordhaway xal laga gaaray murankii mudo kordhinta ee u dhexeeyay Siilaanyo iyo xisbiyada maamilkiisa. Waraaq loo qaybiyay saxaafada ayaa waxa Ku saxiixnaa wakiilada labada xisbi iyo wakiil ka socda Siilaanyo oo isagu hawlgaba laakiin beeshiisu dareensan tahay in loo kordhiyo mudada.

Waraaqda ayaa lagu sheegay in bisha Disambar ee 2016 la qabto doorashada taas oo Siilaanyo oo hawlgaba u kordhinaysa mudo sanad iyo lix bilood ah halka markii hore loo kordhiyay mudo laba sano Ku dhow.

Waxa dad badan ku qosleen mudada isku dhow ee ay ogolaadeen mucaaradka Siilaanyo oo qaylo badan ka keenay sanad iyo toban biloodka.

Waxa aan wali laga heshiin in Siilaanyo xukunka sii hayo iyo in kale bisha dambe marka uu dhamaado waqtigiisa.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.