C/raxmaan Sheekh Maxamed “Faroole” Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland hadana ah Musharax u taagan qabashada hogaanka dalka Somaliya ayaa ka digay in qof musharax ah uu soo xulo Baarlamaanka cusub ee imaan doona.
Faroole wuxuu sheegay hadii la doonaayo in Somaliya ay yeelato Baarlamaan wanaagsan oo u shaqeeya Bulshada Somaliyed in Isimida Somalida loo daayo soo xulista Baarlamaanka cusub ee imaan doona.
”Waxaan ka digayaa hadii la rabo Baarlamaan wanaagsan oo Bulshada u adeega gaarsiiya dawladnimo rasmi ah in aan la aqbalin in musharaxiin aysan soo xulin balse loo daayo Isimada Soomaaliyeed” Ayuu Yiri Dr. Cabdiraxmaan Faroole.
Shacabka Somaliyeed ayuu ugu baaqay in ay go’aan wanaagsan qaataan oo door ay ku yeesheen Baarlamaanka Cusub kaas oo Ummadda u horseedi kara dawladnimo rasmi ah.
”Anigu Murashax waan ahay, waxaana ku kalsoonahay in wax laga badalo sidii ayaantii hore wax loo xulay, waxaana ku kalsoonahay in dadku soo xulaan Baarlamaanka cusub ee Somaliya ay yeelanayso Agoosto 2016-ka.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay