01/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Musharax Maxamed Cali oo ku guuleystay kursiga madaxweyne ku xigeenka ee Wadani iyo codka uu helay

Waxa la soo gabagabeeyay doorashadii lagu dooranayay madaxweyne ku xigeenka xisbiga Wadani oo ka dhacday magaalada Hargeysa waxana ku guulaystay musharax Maxamed Cali.

Hadaba codadka la kala helay ayaa kala ah musharax ”Maxamed Cali oo helay cod aad u badan oo ah 530 cod halka musharax Axmed Muumin Seed uu helay 44 xubnood oo kaliya.

Waxa ka aamusey afar xubnood oo kaliya. Musharax Axmed Muumin Seed oo reer Awdala ayaa diidey natiijada inkastoo aan la garanayn waxa uu ka qaban karo.

Tirada uu helay musharax Maxamed Cali ayaa ah tiro aad u badan taas oo ka dhigeysa diidmo uu keenay Axmed Muumin Seed mid aan qiil lahayn.

Musharax Maxamed Cali ayaa isagu mardambe soo galay saaxada xisbiga Wadani wuxuuse sameeyay olole balaadhan taas oo uu ku kasbaday kuraasta codadka xisbiga Wadani.

Murrashaxa-madaxweyne[1]

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS