Qaar ka mid ah musharrixiinta ka qayb-galaysa doorashada madaxweynaha ee dalka ka dhacaysa dhammaadka bishan ayaa lugu wadaa dhawaan inay soo gaaran caasimadda Muqdisho.
Waxaa ka mid ah musharrixinta laga sugayo Muqdisho ra’iisul wasaarihii hore ahna musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Farmaajo,waxaa la sheegay inuu doonayo sidii uu u xoojin lahaa ololihiisa doorashada,wuxuuna muddooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Nairobi ee xarunta Kenya.
Sida qorshaha uu yahay waxaa maanta imaanaya Muqdisho xubn horu-dhac u ah wafdiga musharrax Maxamed Cabdullaahi,horay waxaa Muqdisho ugu sugnaa guddi ka shaqeynaya ololaha doorashada.
Waxaa lagu sheega Farmaajo musharrixinta taageerrada ugu badan ku leh caasimadda Muqdisho,waxaana mar horaba bilowday ololaha lagu doonayo in soo dhaweyn ballaaran loogu sameeyay.
Horay ayuu ugu guul darreystay ra’iisul wasaarihii hore wax guul ah inuu ka gaaro doorashadii madaxweynaha ee dalka ka dhacday 2012,marka oo u helay codad aad u yar.
Docda kale,waxaa la sugaya inay soo dhammeystirmaan inta badan musharrixinta xilka madaxweynaha u tartamaya kuwaaso imaan doona Muqdisho toddobadyadda ina soo aadan,maaddama la sheegay doorashada madaxweynaha in la qaban doono 28 bishan December.
Mar kale xildhibaanno ka yimid qabaa’ilada ayaa wax-dooran doona hannaankan oo ah dimuquraadiyad ay Soomaalida ku heshiiyaan,waxaana sanadkan doorashada ka qayb-galaya musharrixin badan oo qaarkood saameyn ku leh siyaasadda.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay