November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Musharixiinta u tartamaya afhayeenka barlamaanka iyo ku xigeenkiisa oo shalay la shaaciyay

Waxaa maalinimadii shalay Xarunta Golaha Shacabka lagu soo gabagabeeyay diiwaan galinta Musharaxiinta u tartamaya Guddoonka golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada Doorashada barlamaanka Dr C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa sheegay inay isa soo diiwaan galsheen Musharaxiin ku filan Doorashada, halka kuwa harsana uu wakhtiga ka dhamaaday.

Guddoomiyaha waxa uu sheegay in iminka ay diiwaan galsheen Musharaxiin gaaraya ilaa iyo 22-Musharax kuwaas oo u taagan xilalka Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku-xigeenadiisa.

Sidoo kale, Guddoomiyuhu waxa uu tilmaamay in Doorashada Guddoonka barlamaanka uu dhici doonta 11-ka iyo 12-ka Bishaan aan ku jirno.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS