X

Muslimiinta Beljim oo laga mamnuucay inay hilibka si xalaala u qashaan

Muslimiinta dalkaasi cunsuriga ah ee Beljim ayaa sheegay inay maxkamad la fuulayaan dalka kadib markii laga mamnuucay inay si xalaala u qashaan hilibka. ”Waxay rabaan inay caadooyinkooda xun nagu dhaqaan kamana yeelayno ayuu yiri masuul u hadlay Muslimiinta.


Labada urur ee ugu xoogweyn dalkaasi ee Muslimka ah oo is biirsaday ayaa sheegay in Muslimiinta lagu tuntey xuquuqdooda ay ku qashaan hilibkooda si xalaala. Yuhuuda oo iyaguna u qasha sida Muslimiinta ayaa dagaalkan kula jira waana halka keliya ee Yuhuudua iyo Muslimiinta ka siman yihiin.


”Gaalada ayaa hilibka oo dhiig ka da’ayo cuna waxana la rabaa Muslimiinta inay sidaa u qashaan halaka Muslimiinta diideen haddana maxkamada reer Yurub hordhigtaan dacwadooda. Waxayna u badan tahay inay guulaysan doonaan.



Wadamada sida Ingiriiska ayaa inta badan laga cunaa hilibka xalaasha ah markii la arkay in midka aan xalaasha ahayn uu leeyahay cuduro badan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.