La Casa Nostra waa xaafad ku taal bartamaha Baariis waxana ku nool Muslimiin badan oo badankoodu ka yimi wadamada Woqooyiga Afrika ee Faransiisku gumeysan jirey kuna hadla Faransiis ayna ka mid yihiin wadamada Aljeeriya, Morooko iyo Tuuniisiya.
Carabtan ayaa iswaydiiyay sababta argagixisadu u soo raadsatay xaafad gaajo ah oo dad Muslimiina oo fiqiira degan yihiin.
Waxay kale oo ay iswaydiiyeen sababta argagixisadu dil iyo xasuuq ula timi ee ay la aadi waayeen xaafadaha ku xeeran ee aadka uga taajirsan.
Jamaal ayaa iswaydiinaya oo qirsan in Faransiisku neceen Muslimiinta sababtuna ay tahay ficilada noocana ee aan diinta sal ku lahayn.
Dhinaca kale waxa saxaafada Faransiisku iyo kuwa kalaba wadaan nin Aljeeriya u dhashay oo badbaadiyay laba haweena oo Faransiisa oo si xun u dhiigbaxay kadib markii quraarado ku soo daateen. Ninkan oo lagu magacaabo Seef ayaa sheegay in nafteytiisu khatar ku jirtey uuse ka doorbidey in uu badbaadiyo nolosha qofkale.
Seef ayaa sheegay in rasaastu si xun u socotey ilaa sadex daqiiqo isla markaana aynagu soo daateen dhamaan quraaradaha noo dhawaa ayaan arkey laba haweena oo u baahan in la taageero..waan socdey waxaanan ka saarey meel khatara”.
Jamaal ayaa yiri ”waxba iskuma nihin kuwaa dadka xasuuqey hadana aad iyo aad u caraysanahay waxaanan jeclaan lahaa in arko oo aan gacanteyda kaga shaqeeyo si dulmi aan u joojiyo iyo dad shiciba oo la xasuuqo.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS.COM
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay