X

Muslimiinta Ingiriisku way yarayn karaan xilliga soonka iyadoo soonkani yahay kii ugu saacado dheeraa: CAALIM+MUUQAAL

Caalim ka tirsan ururka Quilliam Foundation oo ka dhisan Ingiriiska ayaa leh Muslimiinta Ingiriisku way yarayn karaan saacadaha dheer ee la filayo in la soomo soonkan oo ku beegan Arbacada inkasto Khamiista la hubo. Caalimkan ayaa ku doodaya in Muslimiintu ay yarayn jireen soonka oo ay ahayd in xilliga Maka oo kale la soomo ama 12 saacadood ilaa 16 saacadood laakiin ayna ka badneyn.

Soonkan Ingiriiska ee xagaaga ayaa la soomi doonaa ilaa 19 saacadood iyadoo ay wax cunid iyo cabid ay ugu dambeyn doonto 2:45 habeenimo iyadoo cadceedu soo baxayso 04:40 subaxnimo.

Laakiin waxay u muuqataa in Muslimiin badan ayna dhegeysan doonin oo ay soomi doonaan 19 saacadood. Ururka Quilliam ayaa waxa ku jira rag hore u ahaa xagjir hadase diinta bartey oo ka toobad keenay falalkii guracnaa ee ay ku jireen.

Diinteena macaan ee Islaamka ayaa aad u fudud oo rabi aanu ku adkeyn adoomihiisa. Wadamada qaar sida Sweden oo ay jiraan maalmo ayna cadceedu dhicin waxa dadku raacaan saacada Maka iyadoo hadda loo sheegayo in ay raacaan markii ugu dambeysay ee cadceedu soo baxdey dhacdayna.

Si kastaba ha ahaatee lama garan karo in dhawaqan Muslimiin badan raaci doonaan iyo in ay ku mintidi doonaan in ay dhamaystaan 19 saacadood.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM

 

admin:

This website uses cookies.