X

ARAG sadex heesood oo xusuus badanleh oo toos ay u tumeen Waaberi oo uu fadhiyay madaxweyihii qaranka Siyaad

Waa sadex heesood oo ay xusuus balaadhan leh oo toos ay tumeen hoboladii Waaberi intooda badan gaar ahaan intrii Muqdisho joogtey..Waa xaflad uu fadhiyay madaxweynihii dalkan ugu dambeeyay Allaa yarxamu Siyaad Barre. Fanaaniinta aad ka arkayso waa kuwii loogu jeclaa dhamaantood. Intii dhimatay Alla yarxamu inta dhib kale haysatana Alle ha u fududeeyo.

Waxaad aad ugu bogeysaa heesta Faadumo Qaasim AUN qaadeyso oo ay ku qoob ciyaareyso Qamar Harawo oo hadda in muddo ah gurmad loogu jirey in laga sii daayo jeel ku yaal Turkiga..Waxa kale oo jirta Hibo Maxamed iyo C/qaadir Jubba oo labadoodaba ay ku dheertahay wadaninimo.

Xafladan ayaa la sheegay in ay ahayd xaflad aroos oo wiil uu dhalay madaxweynihii qaranku ku aroosey gabadh.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.