X

Muslimiintii ugu tirada yarayd oo taagan banka Carafo

Ayadoo berito insha Allah ay ciid tahay ayaa muslimiintii ugu yarayd ay maanta taagan yihiin banka Carafo ee xajka. Xujaajta ayaa saaka tagay banka Carafo ayagoo maanta halkaas joogi doona.



Buurta raxmada ee Carafo ayaa ah halkii uu rasuulkeena SCW ka jeediyay qudbadii ugu dambeysay ee macasalaamada ee uu kula dardaarmey Muslimiintii xilligaa taagneyd.

Berito oo Muslimiinta kale ciidi doonaan ayaa Muslimiinta tirada yar ee Carafo jooga ay iyaguna ka hulaali doonaan subaxnimada Carafo ayagoo tagaya Musdalifa. Waxayna seexan doonaan banka cad ee xidigaha eegaya.


Maalinta sadexaad ee xajka ayaa Muslimiintu tagi doonaan goobta sheydaanku kula hadlay nabiyulaahi Ibrahim kadibna uu dhagaxa ku tuurey todobada jeer.

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.