X

Iiraan oo soo bandhigtey dhoolatus Maraykanku ka argagaxay

Ciidanka Iiraan ayaa soo bandhigey dhoolatus uu ka gariirey Maraykanku. Dhooolatuskaan ayaa Iiraan ku soo bandhigtey biyaha gacanka Cumaan iyo badda Carabta. Iiraan ayaa sheegtay in dhoolatuskan ay adeegsatay gantaalo cusub oo riddo dheer oo meel fog ka tooganaya marakiibta.


Arinta uu Marakanku ka sii gariiray ayaa ah in dhoolatuskan ay Iiraan ka fiirinaysay dayax gacmeed dhawaan ay hawada u gantey. Dayax gacmeedkan ayaa hadda si toosa loogala soconayaa dhaqdhaqaaqa maraakiibta iyo ciidanka Mataykanka.

Inkastoo Maraykanku aanu ku dhicin inuu weeraro Iiraan haddana dhoolatuskaan cusub iyo gantaalaha cusub waxay meesha ka saaraysaa inuu ku soo hirto ayuu yiri Xuseen Warsame.


Iiraan oo ay saaran tahay cunaqabatayn aad u culus ayaa saliideeda ka iibsata wadamada xorta sida Finasuweyla iyo Shiinaha.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.