X

Mustafe Cagjar oo diidey deegaan doorasho la raaciyay Canfarta

Madaxweynaha Somali galbeed ayaa diidey deegaan doorasho ka tirsan Somali galbeed oo la raaciyay gobolka Canfarta. Deegaanadan ayaa ay ka dhaceen dagaalo waxayna u dhow yihiin degmada Diridhaba.


Guddiga doorashada Itoobiya ayaa raaciyay deegaano badan oo Somalidu leedahay waxase aad uga xanaaqay shacabka Somalida oo si kulul uga falceliyay.

Guddiga doorashada Itoobiya aya sheegay inay iyagu eegayaan cabasho uga timi deegaanada hore uga tirsanaa deegaan doorashada Somali Galbeed laakiin Canfartu dalbatey in iyaga la soo raaciyo.


Si kastaba ha ahaatee madaxweynaha gobolka ayaa isagu cadeeyay mowqifkiisa, waxayna guddiga doorashada ku qasban yihiin inay deegaanada halkoodii hore ku celiyaan.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.