X

Mustafe Cagjar oo sheegay in dhulkii Canfartu damacsanayd hadda gobolka hoostagaan

Madaxweyne ku xigeenka Somali galbeed Mustafe Cagjar ayaa shaaciyay in sadex tuulo oo maamulkii Cabil Iley hoos geeyay Canfarta hadda ay hoostagaan maamulka Somali galbeed. ”Hadda sadexdaa deegaan waxa toos u maamusha Sonali galbeed ayuu yiri Cagjar.


Wuxuu kaloo sheegay in wareejintii Cabdi Iley aan loo marin nidaam sharciya ee ay ahayd feedh iyo laad haddana ay dacwada dhan geeyaan aqalka sare ee Itoobiya halkaana lagu dhameeyay.


Wuxuuse sheegay in xilliga doorashada loo baahan yahay in la xoojiyo amniga maadaama Canfartu soo weerari karto, wuxuuna diidey in dadka halkaa degan la geeyo meel kale si ay ugu codeeyaan.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.