X

Kosofo oo dooratey madaxweyne haweenay oo da yar

Dalkaasi yar ee Kosofo ayaa dooratey madaxweyne haweena oo da yar. Josa Cusmani ayaa garyaqaan aan inta badan siyaasada ku jirin laakiin xisbigeedu doortey kadib markii madaxweynihii hore is casilay.


Josa oo 38 jira ayaa dadkeedu u rakeen mid wax ka bedeli karta dalkaasi yar ee aan wadamo badan ka haysan aqoonsi. Kosovo ayaa ka go’day Seerbiya kadib dagaal kooban.

Kosofo ayaa boqolkiiba 50 dadka ku jira barlamaanka ay yihiin haween, waxayna heshay codka ugu badan oo ay ku soo dhaweysay madaxii u horeeyay ee Albaaniyiinta dalkaasi Ibraahim Rugova.


Waxay balan qaaday inay musuqa la dagaalami doonto, shaqooyina abuuri doonto.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.