X

Muuse Biixi oo albaabada Hargeysa u laabay laba telefishan oo xor ahaa

Muuse Biixi oo lagu yaqaan in aanu u dulqaadan hadal yar oo diidan fikirkiisa ayaa albaabada u laabay laba telefishan oo Hargeysa ka hawlgeli jirey oo lagu magacaabo Eryal tv iyo Horyaal Tv oo aan isagu jirinba muddo sidaa u dheer.


Amar uu soo saaray ayuu ku sheegay in uu labadaa albaabada u xirey. Waxa kaliya ee uu ku qoonsaday ay tahay in ay su’aalo weydiiyeen reerkiisa taasna uu ka xanaaqay.


Maaha markii ugu horeysay ee ,uuse Biixui ka qayliyo xoriyada ayadoo la ogyahay inay jeelka Hargeysa ka buuxaan in ka badan tobaneeyo u xiran fikirkooda.

Ururka fadhiidka ah ee saxaafada Somaliland ayaa si diciifsan uga hadley telefishanadan lagu gafay.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.