X

Madaxweyne Farmaajo muxuu ka yiri geerida halgamaa Maxamed Cabdullaahi Sangub

Allaha u naxariistee waxa maanta magaalada Addis ababa ku geeriyooday abwaankii weynaa halgamaa Maxamed Cabdullaahi Sangub oo Somalida uga tagey murti iyo suugan badan. Abwanka ayaa qaliin loogu sameeyay isbitaal ku yaala Addis ababa.

Inkastoo eheladiisu sheegeen in qaliinkaa lagu guulaystey haddana waxa la sheegay inuu u dhintey xanuun kale oo aan la fileyn oo ku soo booday oo qarsoonaa.


Madaxweynaha ayaa yiri “Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun “Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise waxa uu ahaa abwaan iyo jilaa Soomaaliyeed oo qayb libaax ka qaatay koboca fanka iyo wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed.

Abwaanku waxa uu sidoo kale noqday askari ka tirsan Ciidanka Xoogga oo naftiisa u huray difaaca qarannimada iyo jiritaanka Soomaaliya.

Abwaan Singub waxa lagu xasuustaa ruwaayadihii iyo heesihii waddaniga ahaa ee uu sameeyay kuwaas oo uu ku wacyigelin jiray shacabka Soomaaliyeed.”


Madaxweyne Farmaajo ayaa Eebbe uga baryay Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, qoyskiisa iyo dhammaan qaranka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo.

Waxa la filayaa in abwaanka loo sameeyo aas QARAN oo uu xaq u leeyahay. Bulshada Somaliyeed dhamaanteed ayaa ka naxay geerida xaqa ah ee ku timi halgamaa Maxamed Cabdullahi Sangub.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.