X

Muuse Biixi oo diidey inuu Farmaajo ku soo dhaweeyo Hargeysa

Horjoogaha maamulka Somalilaan ayaa madaxweynaha Somaliya ka aqbalay raaligelin uu siiyay laakiin diidey inuu ugu yimaado Hargeysa. Ururkii SNM ayaa xasuuq ba’an ka gaystey gobolada Awdal iyo Sool halka ay barakiciyeen kumanaan
shacaba oo nabad ku deganaa magaalooyinka Hargeysa iyo Burco.


SNM ayaa soo gashay magaalooyinka Hargeysa iyo Burco kadibna rasaasta ka soo ridey guryaha dhexdooda, waxa taas ka daran in 1993 ay dhacdey dhimashadii iyo qixii ugu xumaa markii ay SNM qoryihii qaranka isku foorarisay laakiin ma xusaan dhacdadaa ay ku dhinteen kumanaan masaakiina.


Kulankii Addis Ababa

Horjooge Muuse Biixi ayaa war kooban kaga hadley inuu si kedisa ula kulmey madaxweyne Farmaajo oo uu ku sheegay inuu la fadhiyay raiisal wasaaraha Itoobiya. “Waxba ma soo diyaarsan ayuu yiri wuxuba kedis ayay ahaayeen, kamana bixin faahfaahin dheeraada waxa laga hadley.

Farmaajo iyo Hargeysa


Muuse Biixi oo ku hadlaya magaca beesha dhexe oo aan dhamayn ayaa taladii ugu dambeysay ee lasiiyay Ku aqbalay inayna Hargeysa Ku soo dhaweyn. Hadalka Muuse Biixi ayaa u fiican madaxweyne Farmaajo maadaama aanu waxba ku waayayn.

Warbixintii Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS



admin:

This website uses cookies.