X

Haweenay dalbatey in ninkeedu u soo celiyo kelli iyo waxa kalifay

Markaad hordhaca sheekadaan fiiriso ayaa waxa kugu soo dhacaya maxaa dhacay oo haweenaydu sidaa u samaynaysaa. Lamaanahan Axmed iyo Maafis ayaa ku nool dalkaasi Turkiga waxana ka dhexeeya hal wiil.


Haweenayda ayaa ninkeeda ugu deeqdey Kelli Ka mida kuweeda kadib markii ay la soo deristay xaalad caafimaad oo khatar gelisay naftiisa sanaddii 2009. Markii ay ugu deeqdey kadib ayaa ninkeeda Axmed uu roonaadey.


Waxase soo baxay muddo kadib in ninkeeda sameeyay guur qarsoodi ah taas oo xaaskiisa aad uga carootey ayadoo dareensan inay naftiisa badbaadisay, waxyar kadibna waxay dalbatey inuu kellideeda u soo celiyo maadaama uu qiyaanay.

Sharciga Turkiga ayaan ogoleyn in waxa marka hore la kala saxiixdo aan dib loogu noqon Karin.


Haddaba ninkeeda oo isna ka hadley kellida ay xaaskiisu ka rabto inuu u soo celiyo ayaa sheegay inuuna kellida ku helin bilaash ee ay kaga bedelatey guri uu lahaa.


Sheekadaan ayaa markii hore loo garaabay haweenayda maadaama uu qiyaano sameeyay laakiin markii la maqlay dhinaciisa ayaa qofkaste cadhadu ma degtay inkastoo lagu farxin guurka.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



admin:

This website uses cookies.