X

Muuse Biixi oo Burco ku xidhey laba weriye

Horjoogaha maamulka Somaliland oo Burco ku sugan ayaa jeelka u taxaabay Laba weriye oo u shaqeeya saxaafada xorta ah ee Ka hawlgasha gobolka. Waxa labadan weriye la qabtey xilli ay wax Ka duubayeen goobaha uu marayo Muuse Biixi.


Labadan weriye ee uu jeelka u taxaabay ayaa la sheegay in loo qoonsaday ayadoo aan la jeclaysan sida ay wax u duubayaan iyo warbixinta ay gudbinayaan

Dadka u xidhan ilaa bil ayaa waxa ku jira wiil dhalinyara ah oo lagu magacaabo Mukhtaar Cali Aadan oo ilaa hadda maxkamad la soo taagin.


Waxa Ka sii daran dadka fikirkooda loogu jaray min sadex sano oo xadhiga.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.