X

Dawlada Somaliya oo xaqiijisay in Farmaajo la kulmey horjooge Muuse Biixi

Daraad ayay ahayd markii raiisal wasaaraha Itoobiya u yeeray horjooge Muuse Biixi si uu ula kulansiiyo madaxweynaha Somaliya Farmaajo. Muuse Biixi iyo maamuladii ka horeeyay ayaa Ingiriisku u sheegay inay diidaan inay madaxda dalka kula kulmaan dalka gudahiisa si qadiyada goosadka ee hadda lagu kala tagey u socoto.


Wasiirkiisa arimaha dibedda Faratoon oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay inuu Muuse Biixi la kulmey Farmaajo laakiin goobta wuu ka cararay intaan su’aasha ugu horeysa la weydiin.


Muuse Biixi ayaa jeclaan lahaa inuu Farmaajo la kulmo isagoo la ogyahay inuu necebyahay beeshiisa. Si kastaba ha ahaatee dawlada Somaliya ayaan iyadu wax wara ka so saarin in kulan uu diyaariyay Cabi Axmed ay ka wada qayb galeen isaga iyo horjooge Muuse Biixi.


Ilaa haddana ma jirto wax faahfaahina oo sugan oo ku saabsan safarka horjooge Muuse Biixi ku tagey Itoobiya.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS



admin:

This website uses cookies.