X

Muuse Biixi oo fadeexad kadib sii daayay fanaaniin gabdho ah oo u xidhnaa

Horjoogaha maamulka Somalilaan Muuse Biixi ayaa fadeexad kadib sii daayay fanaaniinta Barwaaqo Qalanjo iyo Xamdi Qaali oo muddo u xidhnaa. Horjoogahan ayaa qoorta ku dhegay kadib markuu ku eedeeyay inay Xamar ka soo heeseen.


”Fanaaniintu dalkooda ayay joogaan meeshay rabaana waa tegi karaan kana heesi karaan kana ciyaari karaan ayuu yiri Xuseen Warsame. Markii horeba in la xiro maahayn ayuu raaciyay.

Fanaanka kale ee Saalax Carab ayaa isagana la sii daayay kadib markii uu sheegtay inuu Yaman u dhashay. Maaha markii ugu horeysay ee horjooge Muuse fanaaniinta u xidho Xamar bay ka soo gabyeen ama ka soo cayaareen.


”Qaarbaa sheegaya waxa uu u cugsaday qodobka faaruqa ah ee isdhexgalka oo isaga iyo Farmaajo Jabuuti ku saxiixeen oo si qaldan loogu turjumay.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.