X

Dhacdo naxinleh: aabo si aan hore loo arag u diley wiilkiisa gobolka Togdheer

Dhacdo aad looga naxay ayaa ka dhacdey tuulo hoos timaada gobolka Togdheer oo lagu magacaabo Duruqsi halkaas oo aabe ku diley willkiisa oo aan la sheegin da’da uu jirey laakiin loo malaynayo inuu jirey ilaa 12 jir. Sida uu sheegay gudoomiyaha tuulada waxay la kowsadeen xabaal la qodayo iyo meyd la wado.


Markey sii raaceena waxay ogaadeen in wiilka yar uu aabihii diley. Gudoomiyaha ayaa intaas ku daray in aabuhu wiilka yar ka xidhey gacmaha kadibna labadible ama gacmaha dhabarkiisa mariyay. kadibna geed ku xidhey.


Wuxuu intaas ku daray odaygu kadibna seexday soo baraarugii uu is yiri ka furna mise waaba wiilkii oo naftu ka baxdey. ”Waxaan is odhan karaa wuxuu lahaa edbi laakiin sidan oo kale weligay ma arag.

Odayga oo khalkhalsan ayaa lagu hayaa jeel ku yaala tuulada. Waa dhacdadii ugu naxdinta badneyd weliba uguba oo ka dhacda deegaanada Somalida ah.


Waxa gudoomiyuhu sii raaciyay hadalkiisa in ay jirtey waxoogaa dhinaca lacagta ah maadaama wiilka yar oo loo diran jirey magaalada si uu wax uga soo iibiyo.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.